AWLN

AWLN Structure

Qaybta Soomaaliya (AWLN)

Sameynta Cutubka Soomalaiya ee AWLN ayaa lagu daahfurey kulan ay soo qaban qaabiyeen Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha iyo UN Women. Wadatashiyo kala duwan ayaa lala sameeyey qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka gaar ahaan ururada Haweenka ee Soomaaliya ka hawlgala, Wasaardaha Haweenka heer fedraal iyo gobolka Banadir. Si loo dardar geliyo dhismaha golaha sare AWLANKA Somalia, Wasaarada haweenka iyo
arrimaha Xuquuqda Aadanaha ayaa Magacawday gole kumeel gaar ah oo soo dhisi doona golaha rasmiga ee AWLAN Ka Soomaaliya.
Guddiga ku meel gaarka ah ee AWLN ee Soomaaliya ayaa lagu daah furay munaasabad heersare ah oo lagu taageerayo dhismaha AWLANKA Soomaaliya. Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mudan Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasiir ku xigeenka
iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska, wakiilo golaha shacabka,

Mas’uuliyiin sarsare oo ka kala socday Dowladda, Hay’adaha Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Madaxda Haweenka Soomaaliyeed heerarkooda kala duwan. Munaasabadan oo lagu qabtay General Kaahiye ayaa waxaa lagu soo bandhigay hogaamiyayaasha Haweenka iyo tababar loo sameeyay oo socdey mudo 4 maalin ah. Tababarka ayaa waxaa soo qaban qaaabisey Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha oo kaa shaneysa SWDC iyo UN Women. Tabarka ayaa loo qabtay guddiga ku meelgaarka ah ee dhismaha AWLANKA Soomaaliya. 4ta Maalin ee tababarka socday ayaa waxaa lagu diyaariyey
waajibaadka shaqo laga rabo guddiga kumeel gaarka ah , khariidadda doorashada golaha rasmiga ah ee
AWLANKA Soomaaliya iyo shuruudaha xulashada xubinnimada. Guddiga ku meel gaarka ah ee dhismaha AWLN Soomaaliya oo ay taageerto Wasaaradda Haweenka, Horumarinta Xuquuqul Insaanka iyo Hay’ada QM u qaabilsan arimaha Haweenka, ayaa qorsheynaya diyaarinta doorashooyinka xubinimada AWLN Soomaaliya.

Yaa Codsan Kara?

Haweeney u tartamaya ka mid noqoshada xubinimada AWLN Soomaaliya waa iney
ahaataa:

  • Haweenka u adeegaya bulshada ama xilal hore ka soo qabtey heer qaran iyo heer degmo ama xilal sare ka haya siyaasada iyo xilalka baarlamaanka, garsoorka, golaha wasiirada (madaxtooyada iyo xilalka wasiirnimo) iwm.
  • Haweenka u adeegaya ama hore u hayay xilalka sare ee maamulka ee hay’adaha waaweyn ee dawlada iyo kuwa dowlada dhexe iwm.
  • Haweenka ku jira ama hore u ahaan jiray door hoggaamineed ee hay’adaha dawladda sida tacliinta, shaqaalaha rayidka ah, maamulka dadweynaha, garsoorka, hay’adaha maamulka doorashada, iwm.
  • Haweenka u adeegaya bulshada islamarkaana xilala sare oo maamul ah ka haya ururadda bulshada rayidka ah.
  • Haweenka leh awood iyo awood ay uga faa’iidaystaan hababka go’aan-qaadashada ee muhiimka ah ee dhammaan heerarka kala duwan.
  • Haweenka iyo gabdhaha da’da yar ee ku hawlan dhaqdhaqaaqa bulshada iyada oo loo marayo goobo dhaqameed iyo online (tusaale, bloggers, ololeyaasha warbaahinta bulshada, iwm.) iyo haweenka qeyb ka ahaa hal abuurka warshadaha wax soo saarka dalka .
  • Haweenka Saxaafada eek u jira maamulka sare iyo xirfadlayaasha warbaahinta.
  • Haweenka u adeegaya ariamha horumarinta dhalinyarada heerka hogaaminta sare iyo ururada dhalinyarada.
  • Haweenka u adeegaya ama hore u hayay jagooyin muhiim ah oo ku saabsan qaab- dhismeedka dawladnimada iyo madax-dhaqameedka Soomaaliya.
  • Hogamiyayaasha haweenka ee kooxaha diinta.
Habka Codsiga

Fadlan ku soo dir dukumeentiyada cinwaanka hoose ku qoran ee Guddiga KMG ee AWLANKA
Soomaaliya, kama dambeys 30-ka Agoosto 2023.
Email: gender@mwhrd.gov.so / info@mwhrd.gov.so
Soo raaci warqad codsi, taariikh nololeedkaaga (CV) iyo warqad talo bixin ah (recommendaton)

Shuruudaha Xubinimada AWLN-SOM
Gudoomiyaha AWLANKA Soomaaliya
  • Qofka – Dheddig
  • Jinsiyadda – Soomaali
  • Diinta – Islaam
  • Waayo-aragnimada ugu yaran 20 Sano.
  • Shahaadooyinka-Heerka 2aad
  • da’da-35 ilaa 80

Guddoomiye ku-xigeenka – 15-sano, heerka kowaad – 30jir ilaa 80jir
Xoghayaha fulinta / maamulka iyo maaliyadda / barnaamijka – 5 sano (shahaadada
heerka koowaad / 25 jir iyo wixii ka sareeya)

Xubnaha kale – 5 sano (Diploma 25 jir iyo wixii ka sareeya.)

  • Dhaqaale ahaan isku filan
  • Maskaxdiisu cafimaad qabto
  • Mar walba la heli karo, dabacsanaan iyo ikhtiyaari ah

AWLN Support System

AWLN Priority Pillars

For more infor?

Scroll to Top